Toontu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsanyihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaradahii hore ee caalamka soo marey
Toontu waxay kaloo kamid tahay geedo daaweedyadu uu rasuulkeena (salalaahu calayhi wasalam) uu nagala dardaarmey in aan xanuunada iskaga daaweeyno
Toontu waxay kaloo kamid tahay geedo daaweedyada ay cilmi baariyaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaad.
MAXAY YIHIIN XANUUNADA LAGU DAAWEEYO TOONTA?
Toontu waxaa ku jirta maadada loo yaqaan (Allicin) waana maadada carafta toonta xambaarsan iyo awooda daaweed ee toonta, waxyaabaha nafaqada leh ee toonta laga helo waxaa ugu horeeya Magnesium, Vitam B6, Vitamin BC, iyo maadada cillilium, waxaa kaloo ku jira waxyar oo Calcium,Coper,Potasium iyo Iron ah.
Toontu waxay sare u qaadaa difaaca jirka waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu Viruska keeno sida Hergabka, dorayga waxaana la arkey in halista hergabka ay yareyso 70 boqolkiiba markii toon la isticmaalo, toontu ayaa sidoo kale waxay hoos u dhigtaa dhiigkarka (HYPERTENTION) waxaana jira dad badan oo u isticmaaley in ay ku xakameeyaan cadaadiska dhiiga (BLOOD PRESSURE).
Saddex daraasadood oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in hadii aad qaadadid waxyar oo toon ah oo 600 ilaa 1500mg oo toon ah maalintii in ay lamid tahay adigoo qaatey kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano ATENOLOL sidaasuna uu dhiigaagu ku xakameysmaayo
Toonta ayaa waxay hoos u dhigtaa cholestrol xun ee loo yaqaano LDL waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano TRAGIOLOSAD oo wadnaha u daran, waxaa jira dhawr daraasadood oo ku talinaya in cholestrol lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah
Toonta wuxuu eebe ku abuurey maado ka hortagta xanuunada hilmaamka maskaxda keeno sida Alzheimers iyo dymesia
Toontu waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama gymka weyna ka wanaagsantahay kana caafimaad badantahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeelo badan, hadii aad jimicsi samayso ku dadaal in aad joogteysid cunista toonta waxaana arrintaan lagu ogaadey taariikhda Giriiga iyo orodada maradon-ka kuwaasoo siin jiray toonta inteysan orodka bilaabin waana sir waqti dambe la ogaadey
Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha gaar ahaan dumarka iyadoo siyaadisa hormonka strogen kaasoo haduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha balse haduu bato kuu kordhin doono in lafahaagu kuu dhismaan
Toonta waxay la dagaalantaa gooryaanada iyo jeermiska mindhicirada gala iyadoo eebe siiyay awood suuxin oo uu gooryaanka ku suuxayo caloosha si sahlanna isaga soo saari karta
Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa Qandho jabin, ka hortaga qufaca, madax xanuunka, sidoo kale caabuqyada sanka, kala goys xanuunka, baabasiirka, xiiqda, burkiitada, qaniyada masaska iyo dibqalooca ama haraanka wuxuuna rasuulka (salalaahu calayhi wasallam) inoo sheegay in hadii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka kasoo nuugtaa sunta, iyadoo eebe idinkii ka hortagta in suntaa ay dhiiga raacdo.
Intaasoo faa'iido caafimaad iyo ku daaweynta intaan oo cuduro ah waxaa laga helaa toonta oo ah wax fudud uu qofwalba gurigiisa ka heli karo caafimaadkaas iyo faa'iidooyinka intaas la egna ku duuganyihiin, waxaadna u isticmaali kartaa in iyadoo caadi ah qolofka iska fiiqdo ruugto sidaas aad ku cunto ama in aad tumato(tunto) biyo ama wax un ku darsato amaba in cuntada lagu darsado saddexdaan qaaba waa loo isticmaali karaa toonta.
DHAMAAD
MAHADSANIDIIN
Tags:
geedaha.