Biijadu waa xanuun dad badan ku dhaca wuxuuna dadka ka haleelaa afka gaar ahaan bishimaha ama dibnaha waa caabuq ku dhaca hareeraha bishimaha wuxuuna kamid yahay noocyada ugu badan ee ku dhaca afka waxaana badanaa sababa bacteria iyo fungia, bacteria-yada loo yaqaano STAPHYLOCOCCUS iyo fungia-ga loo yaqaano CANDIDA ALBICANS ayaa ah tan ugu badan ee sababta infectionkan, sidoo kale cudurkan wuxuu leeyahay xanuun marmarka qaarkood ah.
CALAAMADAHA UGU BADAN EE LAGU YAQAANO BIIJADA WAXAA KAMID AH:
1- Hareeraha bishimaha oo dildilaaca kadibna cadaada
2- Bishimaha korkooda oo ay fuulaan waxyaabo cad cad oo uu keenay caabuqa
3- Maqaarka bishimaha oo adkaada
4- Xilliyada qaarkood oo ay dhici karto in bishimaha ay biyo galaan
5- Xanuun khafiif ah oo ay yeelato bishimaha marar qaarkood
6- Carabka oo barara
7- iyo calaamado kale oo badan balse calaamaduhu waxay ku kala duwanaan karaan dadka qaarkood.
MAXAA SABABA BIIJADA?
Waxa ugu badan ee infectionkaan keena waa bacteria loo yaqaano STAPHYLOCOCCUS waxaa sidoo kale keena fungia loo yaqaano CANDIDA ALBICANS ama labadooda oo isku darsamey, dadka qaar waxaa u keena bacteria kuwa qaarna fungus dadka qaarna labadoodu wey isugu darsami karaan, waxaa kale oo kamid ah waxyaabaha sababa nadaafada afka oo xumaata ama qofka oo daryeeli waayo nadaafada afkiisa iyo bishimihiisa waxayna ka dhigaysaa mid u nugul in ay biijada ku dhacdo
Sidoo kale baarayaasha caafimaadka waxay sheegeen in xiriir weyn uu ka dhaxeeyo nafaqo la'aanta iyo infectionkaan, dadka aan qaadan nafaqada uu jirka u baahanyahay waxaa u sahlan in uu caabuqan haleelo gaar ahaan dadka jirkooda uu tabayo vitaminka loo yaqaano vitamin B, vitamin B gu hadii uu jirkaaga ku yaryahay waxaad halis ugu jirtaa cudurkan, waxaa kale oo kamid ah dadka halista ugu jira dadka ay ku yartahay maadada birta (IRON)
Cudurkan wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka qaba xasaasiyada bishimaha, dadka kale ee uu ku dhici karo cudurkan waxaa kamid ah caruurta suulka nuuga iyo kuwa bishimaha geesahooda iska qaniina ayuu sidoo kale infection-kaan ku dhici karaa, macdanta ZINC oo jirka ku yaraata ayaa sidoo kale sababi karta biijada.
WAA MAXAY DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARA BIIJADA?
Hadii aad tahay bukaan la il daran infectionka biijada waa inaad taxadar dheeri ah muujisaa si lagaaga daweeyo cudurkan sababtoo ah hadii aadan helin daaweyn deg deg ah waxaad halis ugu jirtaa iney kugu dhacaan dhibaatooyin ka dhalan kara cudurkan sida maqaarka bishimaha iyo unugyada ay ka samaysantahay bishinta oo dhamaada iyo cudurka oo kugu sii faafa xubnaha kale ee afka, cunto cunida iyo wax cabida oo dhib kugu noqota iyo waxyaabo kale oo badan.
SIDEE AYAA LOO HORTAGI KARAA BIIJADA?
Sida aan soo sheegnay cudurkan wuxuu ku yimaadaa waxyaabo badan oo isu tagey ama isbiirsadey balse ka hortagoodu uu sahlanyahay hadaba qaababka aad uga hortagi karto cudurkan waxaa kamid ah:
. Nadaafada afkaaga oo aad joogteysid
. In aad cunto, cunto isku dheelitiran
. Qaadashada vitamiinada iyo macdanaha jirkaagu u baahanyahay sida vitamin B ga, maadada birta ah iyo maadada zinc ga.
Waxaa si guud ahaan muhiim ah qofka in uu yahay qof nadaafad leh iyo sidoo kale in uu ku dadaalo caafimaadkiisa hadiise difaaca jirkaaga oo uu hooseeyo ama nafaqo darri ay ku hayso keliya biijada halis uguma jirtid ee waxaad halis ugu jirtaa cudur kasto xitaa waxaad halis ugu jirtaa inuu kugu AIDS ka maxaa yeelay cudurada badanaa waxa ay ka imaadaan in uu qofka difaaciisa hooseeyo
Waxaa kale oo kamid ah waxyaabaha kugu dhici kara in difaacaaga uu hooseeyo cudurka TIIBASHADA oo ayadana ah cudur aad u halis ah
ku dadaal in aad kor u qaado difaaca jirkaaga jirkaaga sidoo kale inaad ku dadaasho nadaafada afkaaga maadaama uu muhiim yahay afka.
MAHADSANIDIIN