Maadaama qandhadeeda ay tahay mid aad u sarayso, hadaba waxaan rabaa inaan kuu sheego qudaar aad gurigaaga ka heli karto, taasoo kaa caawin karta in ay la dagaalanto ama ay ka hortagto daawana ay u noqoto cudurka malaariyada.
Cunista qudaarta qaar oo ay wehliso qaadashada dawada ka hortagta malaariyada ayaa kaa caawin karta la dagaalanka cudurka malaariyada.
Qudaarta qaar waxaa laga helaa maadooyinka lagu magacaabos Probiotic properts oo muhiim u ah qofka xanuunsan, waana sababta ay tahay in aad u qaadato markaad dareemeysid xanuun.
Hadaba waxaa halkan kuugu sheegi doonaa 3 Qudaar ama Geed oo loo hortago ama dawo u ah cudurka malariyada
Qudaarta 1aad- babaayga (papaya)
Qudaartan cajiibka ah waxay leedahay faa'iidooyin caafimaad oo muhiim u ah jirka aadanaha, nafaqooyinka ugu muhiimsan ee laga helo babaayga waxaa kamid ah, vitamin A iyo vitamin C oo loo baahanyahay inuu jirka ka helo si uu difaac u yeesho
Markii aad la xanunsanaysa malaariyo waxaa lagaaga baahanyahay inuu dhidid badan kaa baxo, cunista babaayga ayaa kaa caawin karta in aad dhakhso dib uga hesho biyahii kaa baxay iyadoo intaasi dheertahay nafaqooyinka ku jira babaayga iney sare u qaadi karaan nidaamka difaaca jirka si loo hubiyo in bacterio aysan galin nidaamka jirka
Babaayga ayaa sidoo kale wuxuu yarayn karaa astaamaha la yimaada malaariyada sida Mataga, Qandhada iwm.
Qudaarta 2aad- liimo orang ama liimo macaanta
Liinta ayaa kaa caawin karta dib u helida biyahii kaa baxay sidaa darteed waa muhiim inaad heysato qudaartan wanaagsan.
Qudaarta 3aad- Cinab/Canabka
Saddexdan qudaar ee kor kusoo sheegnay ee kala ah: Canabka, liimo orangiga ama liin macaanta/ balbeelmo sidaad u taqaan ba iyo babaayga ayaa aad ugu wanaagsan dadka ka cabanaya xanuunka malaariyada.
MAHADSANIDIIN