5 QAAB OO AAD MIISAANKAAGA HOOS UGA DHIGI KARTID
1- S ubaxii oo aad ku qaraacato cunto ay ku badantahay protein-ka sida ukunta, hilibka digaaga ama doorada,caanaha, kalluunka ama malayga iyo cuntooyin kale ee protein ku badantahay
Marka ay imaato in miisaankaaga hoos u dhigto protein-ku waa kan ugu muhiimsan ee miisaankaaga hoos ugu dhigi karto, sidaa daraadeed proteinku wuxuu muhiin u yahay in miisaankaaaga hoos u dhigto waana waajib inaad isticmaasho protein.
2- Waa inaad ka fogaataa cabitaanada ay ku badanyihiin sokorta sababtoo ah, sokortu waxay kor u qaadi kartaa cayilka inuu kugu sii saa'ido, sidaa daraadeed hadii aad dooneyso inaad is caateysid waa inaad ka fogaataa sokorta.
3- Cuntada isku day inaad si tartiib u cunto
dadka ayaa arkeysaa cuntada marka ay cunaayaan waxay u cunayaan qaab degdeg ah, hadii aad cuntada qaab degdeg ah u cuntid waxaa laga yaabaa in cayilka kugu sii kordho, sidaa daraadeed culayskaagu wuu si kordhi doonaa hadii aad ka fogaatid insha allah waxaa rajayn doonaa in cayilkaagu hoos usii dhici doono.
4- Waa inaad heshaa hurdo dhamaystiran
Qofka waxaa loo baahanyahay inuu hurdo 7 ilaa 8 saacadood, hadii marka uu qofka hurdo 6 ama 5 amaba 4 saac in uu cayilkii kusii kordho sidaa daraadeed waxaa kuu rajaynayaa in hurda aad u badsan doontid, hurdada oo badata waxay ka mid tahay in miisaankaaga oo hoos usoo dhici doono.
5- Waa in biyo aad cabtaa
Cabida biyaha waxay qeyb weyn ka qaataan in miisaankaagu hoos u dhaco sidaa daraadeed waxaa lagaaga baahanyahay ama kuu wanaagsan inaad biyaha aad u cabto maalintii 3 littre oo biyo ah.
MAHADSANIDIIN