XANUUNKA MACAANKA AMA SOKOROWGA (DIABETICS)




WAXAA MAXAY XANUUNKA MACAANKA AMA SOKOROWGA (DIABETIC)? 


Xanuunka macaanka ama sokorowga waa xanuun uu keeno ama ka yimaada marka jirka ama dhiiga ay ku badato sonkorta ama Glucose taa oo ka imanaysa in la burburin waayo sonkorta ku jirta dhiiga bini adamka. macaanka ama sokorowga wuxuu sababi karaa wadna xanuun, kilyaha oo fadhiista, wadna istaag iyo waxyaabo badan oo qalqal ku ridi kara shaqada caadiga ah ee jirka bini adamka.


MAXAA KEENA CUDURKA MACAANKA AMA SOKOROWGA?

Waxyaabo kala duwan sida hidahaaga(Faraca) meesha uu kasoo jeedo, qoykaaga taariikhdiisa caafimaad sida qof kamid ah inuu qabay cudurka macaanka,ama deegaanka aad ku nooshahay.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee soo dedejiya cudurka macaanka waxaa kamid ah, Cayilka kan ugu daran waa kan caloosha meesha suunka laga xirto ku bata, Cuntada cunto culus oo aad cuntid wixii ka dambeeya  8pm(sideeda fiidnimo),Iyo  Da'da 

  

CALAAMADAHA LAGU GARTO SOKOROWGA

Xanuunka sokorta wuxuu kor uqaadaa macaanka dhiiga waxaana lagu aqoonsan karaa dhawr calaamadood, hadaad iska gaari weyso waxaa suurta gal ah in xaaladaada caafimaad ee aad usii murugto

1- Kaadi badan 

Macaanka jirku marka uu saro u kaco kilyaha waxay isku dayaan iney jirka ka dhaqaan sokorta badan, ayagoo dhiiga kasoo nuuga macaanka waxaana ku garan kartaa, marka aad kaadiso in ay kaadidaadu isugu imaadaan, quraanjada loo yaqaano macaan jecelka.

2- Oon badan


Mar hadey badato kaadida jirkaaga kasoo baxayso, jirkaagu waxaa ku dhaco fuuq bax (Dehydration)taas ayaana keento inaad markasto u baahato inaad biyo badan cabto.

3- Gaajo badan


Jirka wuxuu awoodiisa ka helaa sokorta ama carbonhydratis ka ama macaanka uu cunaayo qofka, maadaama uu ruuxii jirkiisa nuugi karin cuntadii uu cunay oo badankeeda banaanka loo soo saaro, qofka waxaa ku dhaco tabar la'aan oo aan dhamaad lahayn.

4- Daal badan


maadaama ruuxa dhiigiisa macaankii uu tabarta ka heli lahaa banaanka loo soo tufaayo, waxaa dhacayo in ruuxa mar kasta uu daalo oo xubnihiisa dhaqaajin waayo culays dartiis sababtoo ah awoodiisa ayaa yaraaneyso.

5- Indhaha oo caad kaa fuulo


indhaha waxay leeyihiin xidido yaryar oo dhiiga qaado, marka uu dhiiga wasaq noqdo oo ay sokorta ka buuxsan karto, waxaa dhacdo wasaqdaasi iney aragiisa hoos u dhigto, hadey xaalada ku xumaatana waxaa suurta gal ah iney xididaha indhaha qarxaan oo ruuxu indho ku dhaco.

6- Boogaha oon bogsoonin


Ruuxa marka uu macaanka soo hayo waxay qaataan boogihiisa todobaadyo iney ku bogsoodaan sababtoo dhiiga marka uu macaanka ka bato waxay waxyeelo u geystaan neerfaha jirka iyo wareega dhiiga.

7- Kabuubyo lugaha iyo gacmaha


Haduusan ruuxa isla gaarin dawo, waxaa dhacda macaanka inuu waxyeeleeyo neerfaha iyo wareega dhiiga gacmaha iyo lugaha taas oo keenta kabuubyo fara badan iyo xanuunba.

8- Barabara madaw 


Marka ay sokorka jirkaagu ku badato waxaa dhacdo iney barabara madaw kaasoo baxaan maqaarka dubka Siiba luqunta, kilkilaha,iyo bowyada mise cagarada.

9- Cuncun iyo baaro


Maadaama ay jirkaagu ku jirto sokor badan waxaa sokortaasi quuto fungeis taas oo dhaliso inaad isku aragto jir cun cun badan iyo infection-ka keeno baarada oo ku dhasho laablaabyada jirka iyo kol jilicyada jirkaaga.







MAHADSANIDIIN 

Post a Comment

Previous Post Next Post