WAA MAXAY XASAASIYAD AMA KOR CUNCUN(ALLERGIC)

 



Hadii qof uu xasaasiyad leeyahay waxaa suurta gal ah in uu ka jawaab celiyo, tusaale waxa uu ruuxa dareemayaa diif qoyan, neefta oo ku adkaata, indha cuncun ama finnan kasoo baxa maqaarka, inkastoo tani ay tahay mid dhif ah. 

Dadka qaba xasaasiyada difaaca jirkoodu wuxuu inta badan falcelin ka sameeya walxa aan dhib lahayn oo laga helo jawiga ama deegaanka oo qofka ku noolyahay, walxahaasi aan dhib lahayn waxaa kamid ah busta ama boorka iyo dufta xoolaha, xasaasiyada ama cuncunka waxay dhacdaa marka uu jirka ka jawaab celiyo shay 

waxaana jira noocyo xasaasiyada ama kor cuncunka oo kala duwan kuwa ugu badan waxaa kamid ah

. Xasaasiyda hawada ka dhalata sida busta/boorka iyo dufta xoolaha
. Xasaasiyada taabashada sida inuu qofka taabto birta iyo kiimo-kooyinka 
. Xasaasiyada ka dhalata cuntada sida digirta, ukunta, lowska, digaaga, kallunka, sisinta
. Xasaasiyada ka dhalata daaweynta, daawooyinka qaar waxay keenaan xasaasiyad waxaana ugu badan daawooyinka loo istaacmaalo  gabdha/hablaha ay isku cadeeyaan oo kale xasaasiyada ayey keenaan.

CALAAMADAHA XASAASIYADA AMA KOR CUN CUNKA?

. Finnan kasoo baxa wejiga iyo jirka intiisa kaleba
. Hindhiso ama neefta oo ku dhibta  
. Indhaha cun cun
. Jirka oo barara
. Qufac 
. Sanka oo biyo ama diif kulul ka yimaado

 
Cuntooyinka ugu badan ee laga qaado ama keena xasaasiyada waxaa kamid ah:

- Digirta
- Ukunta
- lowska
- digaaga ama doorada
- malayga ama kalluunka 
- sisinta 

SIDEE LOO DAWEEYAA XASAASIYADA?

Xasaasiyada ugu horeyn waxaa lagu daweeyaa daawooyin dhawr ah sida dawada loo yaqaan CETRAZINE TABLET 10mg qofka xasaasiyada wuxuu ka qaadanayaa 10xabo hal subaxii iyo hal habeenkii ah 1x2 sidoo kale wuxuu isticmaali karaa kiniinka loo yaqaan DEXMATHASONE TABLET 1.5mg kaas uu qaadayo maalinkii hal xabo, iyo dawooyin kale oo uu isticmaali karo qofka qaba xasaasiyada.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XASAASIYADA?

Xasaasiyadu waxaa badanaa looga hortagi karaa inaad ku dadaashid Nadaafada guud iyo mida gaar ah sidoo kale intaadan cuntooyinka cunin waa inaad iska ilaalisaa cuntooyinka kugu kicin kara xasaasiyada sida ukunta, digirta, malayga ama kalluunka
Sideedaba daawaynta ayaa ka wanaagsan ka hortaga sidoo kale inuu qofka iska ilaaliyo busta, guriga uu iska hagaajiyo, sidoo kale daawooyin qofka ku kicin kara xasaasiyada.






MAHADSANIDIIN











  

Post a Comment

Previous Post Next Post