![]() |
Sawir: hooyo uur leh |
Xilliga ay uurka leedahay hooyada waxaa lagama maarmaan ah iney hooyadu cunto, cuntooyin nafaqo leh kuwaas oo aan ku koobnaaneyn keliya hooyada balse sidoo kale uu ka faa'ideysanayo ilmaha uur jiifka ah
Hadaba cuntada fudud ama cuntada ay ku badantahay baruurtu ayaan haboonayn in la badsado xilliga uurka, taas badalkeedna hooyadu waxay joogtaynaysaa cunista miraha iyo cuntooyinka leh miraha qolofta leh sidaa darteed cunida miraha ama qudaarta ayaa hooyada iyo ilmaha u leh faa'iidooyin muhiim ah sida iney hooyada ka hesho macdanaha iyo vitaminada ay u baahantahay iyo in ay ka hortagaan calool isaaga taasoo ay ka cawdaan qaar badan oo hooyooyinka uurka leh
Hooyada uurka leh waxay u baahantahay ineysan marwalba dareemin qaleel la xiriira biyo la'aan sababtoo ah biyaha hooyada uurka leh wuxuu ka caawiyaa saamaynta mandheerta taasoo nafaqada ugu gudbisa uur jiifta kana soo gudbiso wasaqda, waxay kaloo biyuhu u wanaagsanyihiin koritaanka ilmaha uur jiifka ah.
CUNTOOYINKA MUHIIMKA AH EE LOOGA BAAHANYAHAY IN AY HOOYADA UURKA LEH JOOGTAYSO WAXAA KAMID AH:
1- LIIN MACAANTA AMA BALBEELMADA
Liin macaanta ama balbeelmadu waxay hooyada ka caawisaa iney jirkeeda ka dhigto mid qoyan oo biyo leh waxayna liin macaantu ka koobantahay macdanta loo yaqaan fluid taasoo qeyb ka qaadato walxaha ay ka samaysanyihiin unugyada dhiiga cas cas ka hortagna u ah in aysan hooyada dareemin dhiig la'aan iyo nafaqo darro soo wajahda xilliga uurka.
2- CANBAHA
Canbuhu waxa uu ka koobanyahay vitam A iyo vitamin C wuxuuna ahmiyada u leeyhay hooyada uurka leh iyo ilmaha uur jiifka ah, 1koob oo canbo ah ayaa ka kooban xadiga saxda ah ee ooga baahantahay vitaminA iyoC sidaa darteed vitamin A ayaa muhiim u ah ilmaha uur jiifka ah, wuxuuna ka caawiyaa difaaca jirka xilliga dhalashada iyo kadiba.
3- AVOGAADHADA
Avogaadhadu waxay ka koobantahay macdanaha ay ka kamid yihiin magnesium potasium chonic, hooyooyinka uurka leh ee cuna ama caba avogaadhada ayaa ku yar lalabada iyo calool qabadka
avogaadhada ayaa sidoo kale ka kooban vitaminC iyo A iyo maadada ironta , sidoo kale maadada koline ayaa muhiimada u leh koritaanka maskaxda ee ilmaha uur jiifka ah.
4- PIERIS
Mirahan ayaa ka mid ah cuntooyinka ugu wanaagsan ay isticmaali karto hooyada uurka leh sababtoo ah noocyadan kala duwan ee mirahan uu ka koobanyahay waxaa kamid ah vitamiino, macdanno, carbonhydrates , sidaa darteed hooyooyinka uurka leh ayaa ubaahan xaddi 60 ilaa 70 boqolkiiba mirahan, waxayna hooyadu siinayaan mirahan tamar sidoo kalena waxay ilmaha u gudbinaysaa tamartaasi ay hooyadu heshay.
FG: Mirahani badanaa lagama helo dalkeena soomaaliya
5- LIIN DHANAANTA
Liin dhanaantu waxay ka koobantahay macdano iyo vitamiino badan waxayna yaraysaa calool istaaga iyo lalabada waxaa sidoo kale siyaadisaa dhalaalka jirka, hadaba cunida ama cabida liin dhanaanta ayaa ah kuwo muhiimad gaar ah u leh hooyada uurka leh.
6- MOOSKA
Mooska ama muuska ayaa ka kooban potasium iyo vitamiino wuxuuna mooska hooyada uurka leh ka yareeyaa walwalka iyo isku ururka minka iyo caloos istaaga wuxuu kaloo u wanaagsan yahay maqaarka iyo ilkaha.
7- TUFAAXA
Tufaaxu ayaa ka kooban macdano iyo viamiino wuxuuna hooyada uurka leh iyo ilmahaba u leeyahay faa'iido balaaran cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu ogaadey in hooyada cunta tufaaxa xilliga ay uurka leedahay, uu ku yaryahay jaaniska uu ilmaha ku dhici karo cudurka neefta, Tufaaxa ayaa qeybta koobaad kaga jira miraha la amaaney ee u wanaagsan hooyada uurka leh iyo ilmaheedaba.
Hooyadu marka ay uurka leedahay waxay u baahantahay vitamiino, macdano, iyo proteino gaar ah, maadaama waxa ay cuntey laga sii cunaayo ama quudanaayo, waxaa muhiim u ah iney iska deyso waxyaabaha dufanka leh kuwaas oo aan caafimaad ugu jirin hooyada iyo ilmaha caloosheeda ku jira.
Hadaba qudaarta aan kor kusoo xusay waxay waxtar u leeyihiin hooyada iyo ilmaheedaba waana wax wanaagsan oo uu qofka ka heli karo gurigiisa, muhiim ma aha in dhamaantood wada hesho laakiin hadii maalintkii xabad kamid ah aad hesho waa uu kugu filanyahay balse ku dadaal maaliintii hal shay oo kamid ah cuntooyinkani inaad samaysid.
![]() |
7da cunto ama qudaar ee u fiican hooyada uurka leh iyo ilmaheedaba. |
MAHADSANIDIIN